Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa maanta xukun ku riday labbo xubnood oo ka tirsan Al Shabaab, oo lagu kala magacaabo Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim.
Raggan ayaa laga soo qabtay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen bishii May.
Maxkamadda ayaa laga sheegay in raggan ay ka soo qeyb qaateen, dagaalladii Al Shabaab looga saaray gobollada dhexe, waxaana lagu eeddeeyey fal danbiyeedyo dhowr ah.
Maxkamada ayaa maalmaha soo socda go’aan rasmi ah ka gaari doonta dacwada loo heysto raggan ka tirsan Al Shabaab.