Saturday, September 13

Waxaa Maanta Maxkamada Gobolka Banaadir ka soo hor muuqday, ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo loo heysto denbiyo ay ka mid yihiin iibinta raashin dhacay.

Ganacsatada Maanta Maxkamada Gobollka la geeyey ayey tiradoodu gaarysaa 9 eedeysane, kuwaas oo madax ka ah shirkado ganacsi oo dalka keena raashinka iyo cabitaanada dhacay.

Dadkan ayaa lagu eedeeyey in ay taariikh been abuur ah u sameeyaan waxyaabaha dhacay ee ay ka iibiyaan bulshada, taas oo ah khatar aad u ballaaran.

Eedda Ganacsatadan loo heysto waxaa maxkamada horgeeyey Xafiiska xeer ilaalinta, kaas oo sheegay inuu gacanta ku hayo denbiyada ay ganacsatadan geysteen.

Marka ay soo dhamaato baaritaanada lagu hayo ganacsatadan, iyo su’aallaha la weydiinayo, ayuu xafiisku sheegay in caddaalada la marin doono raggan dadka ka iibinayey raashinka dhacay.

Waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay Muqdisho lagu qabtay rag ganacsato ah, kuwaas oo baqaaro ku yaalla suuqa bakaaraha ku keydinayey cunnooyin iyo cabitaano dhacay, waxaana baqaaradaasi la wareegay dowladda Soomaaliya.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version