Sida lagu sheegay qoraalkan oo k soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan lagu xukumay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Al Shabaab ka tirsanaa.
Duqow ayaa Al Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.
Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.
14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.
Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha.