Thursday, September 11

Xilligan walaac ba’an ayaa ka taagan dhameystirka Maamulka SSC Khaatumo, Waxaana maamulka oo iminka hal gobol ah uu u baahan yahay gobolka Sanaag si uu u buuxiyo sharuudihiisa noqoshada maamul dhameystiran.

Hase ahaatee arrintaasi waxaa ku hor gudban caqabad xooggan oo ka imaaneysa maamullada Punland iyo Somaliland haba ugu darnaato Puntland.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xiran tuutaha ciidanka ayaa farriin adag u diray SSC Khaatumo, isaga oo ugu baaqay in ay ku ekaadan deegaannada ay maamulaan.

Hadalkaasi kadib Puntland ayaa soo saartay Warsaxaafadeed waxeyna ku dhawaaqday in ay sharci ahaan maamulkooda ay qeyb ka yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, isla markaasna aysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo SSC Khaatumo.

Dhismaha Maamulka awgiid Gudaha Laascaanood waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku sugnaa wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, iyo waxgaradka deegaanada SSC Khaatumo, waxaase ilaa iyo iminka hirgali la’ dhameystirka SSC Khaatumo.

Dadaalada dhismaha maamulkan ayaa toddobaadkii gudihiisa sababay inuu dagaal ka qarxo magaalada dhahar ee gobolka Sanaag, waxaana ciidamada diriray ay kala ahaayeen kuwo taageersan dhismaha SSC Khaatumo iyo qaar taabacsan maamulka Puntland, waxaana xiisadu ay tahay mid weli taagan, iyagoo Puntland ay ciidamo fara badan geysay gudaha Dhahar.

Sidoo kale 15-kii bishan luuliyo Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, oo xilligan qeyb ka ah shirka siyaasadeed ee ka socda magaalada Laascaanood, waxaase xusid mudan in xildhibaanka uu horey xilkan isaga casilay.

Haddaba Maxey tahay sababta Puntland ay u diidan tahay Dhameystirka dhismaha SSC Khaatumo?

Muddo dheerba, Puntland ayaa ku gorgotami jirtay saamiga siyaasadeed ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana 16 xildhibaan oo Barlamanka Fedraalka ku matala gobolladaasi lagu dooran jiray Garoowe iyo Boosaaso, taas oo dhigan in hadba xulushada xildhibaanadaasi ay hoos imaaneysay Madaxweynaha Puntland jooga.

Deni oo dareensan walaaca ay tiradaasi is dhimeysa ku keeni karto quwada iyo cadadka uu Barlamanka fedraalka ku yeelanayo Puntland, ayaa waqtigan diidaya dhismaha SSC Khaatumo.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasbaneysa SSC Khaatumo isla markaana Deni kala hareysa tiradaasi, maddaama la ogyahay in Saciid deni qudhiisa uu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Dirirta Siyaasadeed ee ka dhaxeysa Saciid Deni iyo Madaxtooyada Soomaaliya,, ayaa xilligan noqoneysa mid dadka gobollada Sool iyo Sanaag ka hortaagan dhameystirka dhismaha maamulkii bulshadaasi u qidmeyn lahaa, waana arrin nasiib darro ku ah halgankii Reer Khaatumo ay iskaga diideen ka mid ahaanshihii Somaliland.

Iminka Xaaladda ayaa mar marka ka danbeysa ka sii dareysa, waxaana cabsi ballaaran laga muujinayaa in dhameystirka Khaatumo uu sababo dagaal culus oo ka dhex qarxa Puntland iyo Dadka gobollada Sool iyo Sanaag, xilli iminka siyaasiyiinta lbada dhinac ay hawada isku marinayaan weedho xanaf leh.

Exit mobile version