Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa bilihii ugu danbeeyey kordhisay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyagoo dhowr jeer warbaahinta la wadaagay weeraro ay fuliyeen.
Sababta ugu weyn ee xilligan ku soo beegtay in hay’adu ay kordhiso weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, ayey xeel dheerayaasha amnigu ku qeexayaan is baddelka ku yimid madaxda hay’ada, oo xafiiska kala wareegay dowladii tan ka horeysay.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa sida muuqata si dhaw ula socda xogaha Al Shabaab, waana arrinta qura ee soo de dejisay in ay weeraradu kordhaan.
Arrintan waxaa sidoo kale kaalin weyn ka geystay shacabka, oo iyagu xogaha ay helaan waqtigan la wadaagaya dowladda, maaddaama la shaaciyey taleefano ay shacabku xogtooda ku gaarsiin karaan dowladda.
Weeraradan cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo Al Shabaab, ayaa waxaa si gaar ah u leh dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga, kuwaas oo Soomaaliya siiya taageero milatari.
Howl-galadii la qaaday 3-dii bilood ee ugu danbesay ayaa lagu dilay in ka badan 1 kun dagaalyahano oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, oo Soomaaliya ka dagaalameysay 15-kii sano ee ugu danbeysay.