Sunday, September 14

Maalintii labaad waxaa Muqdisho ka socda shir wadatashi, oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwii hore.

Shirkan waxaa shir gudoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Shirka maanta oo si weyn uga baddelan kii shalay, ayaa waxaa ku biiray Ra’iisul wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre iyo Gudoomiyayaasha labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya.

Shirka oo maalntii labaad socda ayaa waxaa jira qodobo ay dhinacyadu isku mari la’ yihiin, waxaana ka mid ah arrinta doorashada iyo wax ka beddalka muddo xileedka hay’adaha dowladda, oo qeyb ka ahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii gollaha wadatashiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa damacsan in mucaaridka iyo siyaasiyiintii hore ee dalka ay ku qanciso meel marinta heshiiskii gollaha wadatashiga qaran, halka iyaguna ay diidan yihiin, lamana saadaalin karo sida uu ku soo idlaan doono shirkan.

Exit mobile version