(Hortabin Media) – Dowladda Kenya ayaa ciidamo u direysa dalka Haiti, waxaana sida Qaramada Midoobay ay dalbatay ay ciidamadan hormuud u noqon doonaan ciidamo laga keenayo dalal badan oo caalamka ah.
Ciidamadan Kenya ee la geynayo dalka Haiti ayaa dhamaantood ah boolis, waxaana tiradooda lagu sheegay 1,000 askari.
Baarlamaanka Kenya ayaa dhawaan ansixiyay qorshaha ay dowladda Kenya ku doonayso inay ciidammo gaaraya 1,000 askari oo Boolis ah ugu dirto dalka Haiti oo ay ka jiraan dhibaatooyinka amni darro iyo kooxah burcad ah.
Qorshaha ay Kenya Ciidamada ugu direyso dalka Haiti, ayaa ka hor inta aan la ansixin, waxa uu horyaalay muddo toddobaad ka badan Barlamanka dalka Kenya, kuwaas oo ku kala aragti duwanaa.
Barlamanka Kenya oo dood dheer yeeshay, isla markaana ka fekiray sax ahaanshaha arrintaan, ayaa ugu danbeyn ansixiyey 16-kii bishan November, waana tallaabo amni ku soo dabaalid ah oo dal kale loogu dirayo ciidamada Kenya oo iminka ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya.