Sunday, September 14

Gollaha amaanka ayaa todobaadkan meel mariyey qaraar ogolaanaya in ciidamada ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya, iyagoo ugu daray joogitaankooda muddo lix bilood ah.

ATMIS ayaa loo soo jeediyey in 4 bilood gudaheed ay Soomaaliya ugu saarto ciidamo tiradoodu gaareyso ilaa 3 kun oo askari.

Arrinta oo ay dalabatay dowladda Soomaaliya ayaa direysa fariin ah, in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan amniga dalka, isla markaana dowladdu ay diyaar gareyso.

Dad badan ayaa dood weyn ka qaba in ciidamada Soomaaliya ay waqtigan ku fulian yihiin amniga dalka, waxaana jira walaac badan oo arrintaasi laga muujinayo.

Awooda ciidamada Soomaaliya ee la wareegida amniga dalka, waxaa shaki ka muujiyey madaxda dalalka Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo kal hore ku taliyey in arrintan aan lagu deg-degin.

Si kastaba Soomaaliya ayaa 10-kii sano ee ugu danbeysay waqti badan ku bixisay dhisida ciidamada, taas oo ay ka caawiyeen dowladdu ka mid ah kuwa taageera, waxaana laga sugayaa sida ay uga soo dhalaalaan sugida amniga dalka. 

Exit mobile version