Friday, September 12

Inkastoo Somaliland ay soo dhaweysay baqii ka soo baxay gollaha amaanka Qaramada Midoobay, haddana waxey diiday nuqul ka mid ah baaqaasi.

Maamulka ayaa iska diiday in ciidamadiisa uu kala baxo aagga Goojacade oo ah halka iminka la isku hor fadhiyo, isagoo sheegay in hore uu ciidamadiisa ugala baxay Laascaanood, iminkana aysan macquul ahayn inuu ka baxo difaaca aagga Goojacade ee ay ku jiraan.

Somaliland ayaa sheegtay in masuuliyada dagaalka ka socda Laascaanood ay qaadayaan waxgaradka SSC, kuwaas oo sida ay xuseen diiday in la wada hadlo.

Waxaa isi soo taraya baaqyada ka soo baxaya Soomaalida iyo beesha caalamka, si loo xaliyo colaada ka oogan Laascaanood, balse dhinacyada ay midba midka kale eedda dusha uga tuurayo.

Dagaalka ka socda bilihii ugu danbeeyey Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku barakacay dad badan oo rayid ah.

Exit mobile version