Saturday, September 13

Maamulka Puntland ayaanan qeyb ka ahay shirarkii ugu danbeeyey ee golaha wadatashigu ku yeeshaan gudaha Caasimada, sababo la xiriira khilaafka u dhaxeeya Deni iyo dowladda dhexe.

Shirka oo maalintiisii seddexaad socda ayaa lagu lafa guray qodobo muhiim ah, waxaase saameyn ballaran yeelan karta maqnaanshaha Puntland.

Saciid Deni oo dhawaan hadlay ayaa u muuqday mid soo dabcay wuxuuna xusay inuu diyaar u yahay, in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Dhexe, balse Xasan Sheekh ayaa dhagaha ka fureystay dalabkaasi.

Si kastaba Khaatumo ayaa iyaduba dalbaneyso ka qeyb galka shirkan, inkastoo la aqoonsaday haddana waxey u muuqataa mid aanan dhameystiran qorshaha noqoshada maamul buuxa.

Arrimahan oo is biirsaday ayaa hor-istaagi kara in go’aano mira dhal ah laga gaaro shirka golaha wadatashiga ee Muqdisho ka socda, kaas oo looga hadlayo arrimo masiiri ah.

Exit mobile version