Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa sheegay in xidhiidhka isaga iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “aan weligii miiska la saarin” ka hor wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya labadooda oo lagu wado inay dhawaan ka furmaan Washintong.
Isagoo la hadlayay golaha wasiirada ee Lubnaan, Aoun wuxuu sheegay in wadahadaladan labaad ay diiradda saari doonaan joojinta “burburinta guryaha” iyo “weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah”, iyadoo Lubnaan ay sidoo kale raadineyso inay wax ka qabato jebita xabbad joojinta.
“Tani waa waxa ay danjiraha Lubnaan ee Maraykanka, Nada Hamadeh Moawad, ay kulanka ku qaadi doonto, waxayna samayn doontaa wax kasta oo ay awoodo si ay u sugto,” ayuu yiri Aoun.
Haddii arrimuhu u socdaan sidii la rabay” Aoun wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu awoodo inuu booqdo Washington si uu shakhsi ahaan ugu sheego madaxweynaha Mareykanka xaaladda Lubnaan.
Sidoo kale Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan koonfurta Lubnaan ay heleen xarun ay leeyihiin Xisbullah oo ku taalla qiyaastii 25 mitir oo dhulka hoostiisa ah.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidanka Israa’iil, isla markaana uu baahiyay afhayeenkooda Ella Wawiya, ayaa lagu yiri: “Ciidamadu waxay gudaha dukaan dharka lagu iibiyo ka heleenl qiyaastii 25 mitir hoos u qodan, kaas oo loo adeegsaday xarun ay leeyihiin ururka Xisbullah. Gudihiisana waxaa ku jiray: hub iyo qolal loo adeegsaday maareynta dagaalka ee ay wadeen burburiyeyaasha ururka Xisbullaah,” sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
