Saturday, September 13

Shirka dhalinyarada ee maalintii labaad ka soconaya Muqdihso waxaa waxaa si weyn uga dhex muuqday dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba kuwaas oo soo bandhigay dooddu ku aaddan, dhibaatada ay wajahayaan, iyo kaalinta ay ku yeelan karaan dib u dhiska dalka.

Dhallinyarada ayaa sidoo kale ka hadlay culeyska adag ee ka heysta la macaamilka bulshada, iyagoo hoosta ka xariiqay in ay arrintaasi dhibaato xooggan ka mutaan.

Waxey dhallinyaradu sidoo kale dhalliileen in ay aad u yaraadaan fursadaha kala duwan ee ay helayaan, marka loo bar bar dhigo dadka lixaadkoodu dhan yahay.

Dhallinyarada naafada ah ayaa niyad jab ka muujiyey in aanay lahayn dad ku matala siyaasadda, taas oo codkooda iyo baahinta daruufaha heysta caqabad ku noqoneysa.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya faarax cabdul qaadir oo goobta ka jeediyey hadal kooban ayaa xusay in ay soo jiidatay doodii ay madasha ku soo bandhigeen dhalinyarada baahiyaha gaarka qabta, isagoo xusay in wasaaradiisa ay ahmiyad gaar ah siin doonto dhalinyarada naafada ah.

Soomaaliya waxaa ku nool dhallinyaro badan oo qaba baahiyaha gaarka ah, mana helaan ahmiyadii gaarka ahayd ee ay ka mudnaayeen Dowladda iyo bulshadaba.

Shirweynaha qaran ee dhallinyarada ayaa ku soo beegmaya xilli lagu guda jira toddobaadka dhallinyarada, waxaana la filayaa in shirkan uu soo xiro Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo dhallinyarada u jeedin doona khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa.

Exit mobile version