Waxaa saacadihii ugu danbeeyey Dalka Sacuudiga uu kulamo uga socday Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya iyo dhigiisa dalkaasi, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo badan.
Labada Masuul ayaa kulankooda ku lafa guray, sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii iskaashi dhinac walba leh uu u dhex mari lahaa labadda Barlamanka ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.ayaa kulankoodii ka dhacay Riyaadh, waxa ay isla qaateen in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan, kuwaas oo ka socda labada dowladood.
Sacuudiga ayaa ka mid ah wadamada Khaliijka ee sida aadka ah u daneeya siyaasada Soomaaliya, isagoo taageero kala duwan siiya dowaladda Soomaaliya, oo arrimo kala duwan ka caawiyo.