Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa kordhistay mushaaraadka ay ka qaataan dowladda, taas oo noqotay arrin amakaag ku abuurtay inta badan bulshada.

Dhamaan xildhibaanada labada aqal ayaa mushaaraadkooda laga dhigay $1,645,000, halka uu sanadkii hore uu ahaa  ahaa $1,151,500, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in xildhibaan walba uu uu qaadan doono $5,000, halka markii hore ay mushaar ahaan u qaadan jireen, $3,500.

Tallaabadan waxaa si weyn uga soo horjeestay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaaas oo tilmaamay in xildhibaanadu ay yihiin kuwo  aan daneynin marxalada uu dalku ku jiro, balse ka fekaraya tooda oo qura.

Aqoonyahanada ayaa sheegaya in aan la joogin waqtigii xildhibaanadu ay kordhisan lahaayeen mushaaraadka, waxaana taa baddelkeeda muhiimada in la saaro mudneyd, kordhinta mushaaraadka ciidamada xoogga dalka.

Si Kastaba, gudaha Soomaaliya Barlamanka oo laga soo kala xulay qabaa’ilada Soomaaliyeed ayaa codka shacabka matala, inkastoo mararka qaar ay ilduufaan arrimo masiiri ah, haddana waa kuwo keliyah ee go’aamin kara siyaasada Soomaaliya.

Exit mobile version