Thursday, September 11

Midawga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u billaabayaan dhaqaalaha lagu kabayo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib kulan uu Wasiirka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann.

Qoraalka lagu daabacay bogga Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in la ansixiyey lacag 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC.

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa dhawaan billaabay qorshe hawleed wadajir ah oo ku aaddan macaamilka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasi oo qeexaya ahmiyadaha wadajirka ah ee labada sano ee soo socota.

Dhaqaalahan miisaaniyadda lagu kabayo, ayey Dowladda Soomaaliya u adeegsan doontaa inay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna kusii socoto waddadii ay ku gaari laheyd barta dhameystirka barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, oo ayaa hoosta ka xariiqday in Midowga Yurub uu daneynayo inuu sii wado taageerada Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahan loona xaqiijiyo in adeegyo wanaagsan la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba Midawga Yurub ayaa fiiro gaar ah u yeelan doona, qaabka ay Dowladda Soomaaliya u maareyso dhaqaalahan, kaas oo haddii ay ku guul dareysato keeni kara caqabado hor leh.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version