Friday, September 12

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ka socotay dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah, oo halkaasi wada dega.

Dadkan ayaa sanado badan isku haya dhul daaqsimeed, waana sababta rasmiga ah maalmahan xoojisay colaada ka taagan Laascaanood.

Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Wanlaweyn ayaa sababay barakac ballaaran, waxaana dhinacyada dagaallamayey ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii maanta, waxaana dhaawacyada badankooda la keenay xarumaha caafimaadka Muqdisho, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku fashilmay wax ka qabashada colaadan u dhaxeyso beelaha walaalaha ah, taas oo sii xoogeysaneysa.

Exit mobile version