Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa si hoose u diidan in gudaha Soomaaliya ay ka baxaan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya u jooga Nabad Ilaalinta.
Maamullada ayaa dareemay cabsi amni, waxeyna xubno ka shaqeeya Xafiisyada labada maamul ay sheegeen in Ciidamada maamulladaasi aanay lahayn awood ay amniga deegaanadaasi ku hanan karaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadalkan ka jawaabtay, waxaana warbaahinta hadal kooban siiyey La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud, kaas oo cod dheer ku sheegay in Madaxweynayaasha labada maamul ay saxiixeen qorshaha bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gayiga Soomaaliya.
La Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay go’aanka kama dambeysta ah ee la xiriira qorshaha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana halkaasi ay ku leeyihiin fariisimo, balse dowladda ayaa iminka qorsheyneysa sidii ay dalka uga bixi lahaayeen ciidamadaasi, maaddaama xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu aad u xun yahay waqtigan.