Friday, September 12

Wajiga labaad ee howl-galka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa dhawaan ka billawday qaar ka mid ah Gobollada Dalka, waxaana wajigan labaad ka qeyb qaadanaya ciidamada dowladaha safka hore.

Dadka  Soomaaliyeed ayaa su’aallo ka keenaya waxa howgalkan ay ku biirin karaan ciidamada dowladdaha jaarka ah, iyadoo shacabka badankiis ay doorbidayaan in dagaalka loo daayo Ciidamada Dowladda iyo kuwa deggaanka ee macawiisleyda loo yaqaan.

Dhinaca kale quburrada ka faalooda arrimaha amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika, ayaa qaba aragtiyo taasi ka baddelan oo sheegeysa in ay wax badan soo kordhin karaan.

Quburrada ayaa ugu horeyn xusay in ciidamada dalalka safka hore ay soo kordhin doonaan waaya aragnimo, dhanka howlgalka ah, maaddaama ay heystaan tababaro kala duwan, oo tayo ahaan kuwa Soomaalida ka wanaagasan.

Arrintan ayaa sidoo kale oggolaaneysa, in dagaalka uu hal mar ka billawdo dhowr jiho, taas oo culeys saari karta Al Shabaab, soona de-dejin karta in guullo wax ku ool ah la gaaro.

Cududa ciidamada Soomaalida iyo kuwa safka hore oo la mideeyo, ayaa ka dhigan mid wiiqeysa awoodda kooban ee Al Shabaab, waana arrin kooxda dharbaaxo culus ku noqon karta.

Sida qorshuhu yahay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ayaa ka howl gali doona Gobollada Jubadda Hoose iyo Dhexe, halka ciidamada Itoobiya ay ka howl gali doonaan Gobollada Bay iyo Bakool, Jabuuti ayaa iyana qeyb ka noqoneysa gulufka lagu ciribtirayo haraadiga Al Shabaab ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Al Shabaab oo carqalad ku ah amniga Gobolka, ayaa in muddo ah Soomaaliya iyo dalalka la jaarka ah ka geysaneysay weeraro kala duwan, waxaana iskaashigana uu noqonayaa mid kaalin ka qaata, in kooxda laga suuliyo geeska Afrika oo ay ku ukumo dhaleen.

Exit mobile version