Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa madaxdu waxa ay kaga wada hadli doonaan arimo badan oo xasaasi ah oo ay ugu horeeyaan arimaha la xiriira sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.
Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo aan soo gaarin magaalada Muqdisho, hase yeeshee kaga qeyb galay shirka aaladda fogaan aragga. Waa shirkii ugu horeeyay ee ay madaxda qaranka la yeeshaan maamulada dalka.
Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ayaa dhanka kale lagu soo waramayaa in ay magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan kulamo iyaga u gaar ah iyo sidoo kale kulamo ay si gaar ah ula qaadan doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraha.
Waxaa mudooyinkii dambe soo isbaxayay tabashooyin ay qabeen qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kuwaas oo sheegay in ay qabaan aragtiyo ka duwan qaab dhismeedka dowladda iyo hanaanka ay dowladdu wax u maamuleyso. Tabashooyinkaas ayaa la filayaa in madaxda maamulada ay si wada jir iyo gooni gooni ahba ugala hadli doonaan madaxda qaranka.
Maxamed Xuseen, Muqdisho
