Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry E. André.
Kulanka ayay labada dhinac kaga wada hadleen arimo ahmiyad weyn u leh xukuumadda dhawaan la ansixiyay ee ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Arimaha ay ka wada hadleen ayaa lagu soo koobay barnaamijyada la xiriira xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha golayaasha deegaanka ee dalka.
Dowladda cusub ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Midowga Yurub ay taageero xoog leh uga heli laheyd si loo dardar geliyo barnaamijyada dowladda oo ay ugu horeeyaan amniga iyo xasilinta dalka.
Safiirka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in dhankiisa uu ballan qaaday xoojinta taageerada dowladda Mareykanka ee ku aadan dhinacyada amaanka iyo maamulka wanaagga.
Maxamed Xuseen, Muqdisho