Thursday, September 11

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken.

Kulanka oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya ayuu madaxweynaha dhanka kale si gaar ah ugala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Maraykanka Antony Blinken in dowladda Soomaaliya lagu garab istaago qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Ka sokow qorshayaasha hortabinta u leh dowladda ayuu madaxweynuhu sidoo kale dul-istaagay in Soomaaliya ay u baahan tahay in gacan laga siiyo xal u helida dhibaatooyinka abaaraha iyo xaalufka deegaanka lagu hayo deegaanka iyo taageridda la dagaalanka Al-Shabaab oo uu sheegay in kacdoon shacab oo looga soo horjeedo argagixisada uu ka bilowday qeybo badan oo ka dirsan dalka isla markaana ay dowladdu taageereyso kacdoonada shaccabka.

Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay sii xoojin doonto taageerada dhanka gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Najiib Abdi, Washington

Exit mobile version