Thursday, September 11

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA Mudane Martin Griffiths.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalka, taas oo u baahan in si wadajir ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer Caalam intaba.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladiisa ay ahmiyad gaar ah siineyso ka jawaabidda baahiyaha deg deg ah ee bulshada iyo barnaamijyada ku saleysan hiigsiga fog, si xal waara loogu helo caqabadaha soo noqnoqday ee ay ka mid yihiin abaaraha iyo isbeddelka cimilada, isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in diirradda la saaro sidii gargaarka bani’aadamnimo loogu saleyn lahaa shaqo abuur qaran, maalgashi, hannaan ka tarjumayo isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version