Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dekadda Muqdisho waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyey laga soo dejinayey Jaay ama Ciid laga keeney dalka dibadiisa, si loogu adeegsado dhismaha guryaha ay dadka ka dhisanayan caasimada.

Jaaygan ayaa sida la sheegayo ka raqiisisan kan laga qodo kaabada dalka, waxaana taasi ugu wacan jidgooyooyin yaalla halka Jaaygaas lagu farsameeyo ee Duleedka Muqdisho.

Ganacsatada oo uu culeyskaasi saameeyey ayaa ka wareegsaday Jaayga lagu farsameeyo dalka, iyagoo door biday kan dibada, waana arrin ay aad ula yaabeen inta badan shacabka Muqdisho.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa arrintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah, xilli hore loo ogaa in dalka la soo galiyo dalagyo ka soo go’a beeraha dalkeena, sida khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Dowlada Soomaaliya ayaa loogu baaqey in arintaan wax ka qabato maadaama ay waji gabax ku tahay in Jaay ama Ciid laga keeno dalka dibadiisa, sababo la xiriira jidgooyooyinka buux dhaafiyey duleedka caasimada.

Exit mobile version