Monday, September 15

Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa si joogto ah ugu soo noq noqda dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Dagaalka oo marka sida kale loo eego u abaabulan qaab beeleed ayaa geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna kordhiyaa cabsida iyo wal walka dadka rayidka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Inta badan dagaalka ku soo noq noqda Marka waxaa dhaliya arrimo la xiriira muran dhanka dhulka ah, wuxuuna saameyn ku yeeshaa dadka rayidka ah, oo loo beegsado arrimo la xiriira aanno qabiil.

Dadka magaalada oo ah kuwo ilbax ah, maaddaama ay tahay magaalo qadiimi ah, oo leh xeeb huwan xadaarad fog, ayaa ku talaniya in magaalada laga wado ciidamadan sababta u noqday colaado ku soo noq noqoneysa Marka.

Waxey qaarkood ku talinayaan in dowladdu ay isu dhafto ciidamada, oo hadda ka kooban labo beelood, waxaana taasi ay yareyn kartaa isku dhacooda, mar haddii unugyada la isku dhafo.

Geesta kale qubarada amniga ayaa Wasaarada Gaashaandhiga u soo jeedinaya in la ciqaabo dhamaan askarta qaranka ee qeybta ka noqonaya dagaal beeleedyada, waana arrin koobi karta in askariga aanu u dagaallamin wax ka baxsan qaranimada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhanka kale lagu eedeynayaa dagaallada ciidamada dowladda dhexdooda ah ee ku soo noq noqda deegaanada uu ka arrimiyo, waxaanay dadka badankood sheegayaan in maamulku uu ka gaabiyey la xisaabtanka ciidamadaasi.

Exit mobile version