Waxaa la helay muuqaalada Markabka ay saaran yihiin hubka iyo saanada ciidan ee Turkiga Soomaaliya u soo waday, kaasi oo lagu qabtay xeebaha dowlad goboleedka Puntland.
Markab oo ahaa nuuca xamuul ah ayaa lagu magacaaba Sea World, kuna socdaalayay calanka dalka Comoros ayaa Ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha degmada Bareedo ee gobolka Raas Casayr. Waxaa hadda loo wareejiyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Sida ay muujinayaan Muuqaalada aan helnay Markabka waxaa saaraan gaadiidka dagaalka ee gaashaaman iyo hub laga soo qaaday dalka Turkiga.
Waxaa uu qorshuhu ahaa inuu 21 bishaan July markabka yimaado dekadda Muqdisho, si uu u dejiyo shixnada uu sido.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in markabka ay saameeyeen dabeylaha badda cas, isaga oo maciin biday xeebaa gobolka Bari, halkaasi oo lagu qabtay.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland kama hadlin xaaladda markabka xamuulka ah ee la sheegay inuu siday hubka.