Sunday, September 14

Waxaa saacadihii ugu danbeeyey magaalada Muqdisho ka furmay shir sanadeedkii lixaad ee garsoorka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxda hay’adaha garsoorka dalka iyo xildhibaanada labada aqal ee barlamanka Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Suleymaan Maxamed oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in halku dhiga shirka garsoorka ee sanadkan uu yahay kaalinta garsoorka uu ku leeyahay maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, wuxuna dhanka kale soo halay qaaday tirada kiisaskii kala duwanaa ee dacwadahoodu soo gaaray hay’adaha garsoorka dalka.

Cismaan CIlmi guuleed oo ah garyaqaanka guud ee dowladda ayaa carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in la dhiso golaha adeega garsoorka, kaas oo waqtigan baahi weyn loo qabo.

Wasiirka Caddaalada dowladda Soomaaliya Xasan Macallin ayaa shirka ka sheegay in hanaanka fedraaleynta garsoorka uu horyaalo Barlamanka Soomaaliya, wuxuuna xusay in dhameystirka dastuurka uu yahay xalka looga baaqsan karo caqabadaha ka jira garsoorka.

ugu danbeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh aaden maxamed nur Madoobe ayaa tilmaamay in garsoorka dalka uu is baddel sameeyey, wuxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in bisha February ay barlamanku guda gali doonaan arrimaha la xiriira dastuurka.

Exit mobile version