Friday, September 12

Dhawaan waxaa la hakiyey qorshihii ay sida tartiib tartiibta ah Soomaaliya uga baxayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, kuwaas oo joogitaankooda uu ku egyahay dhamaadka sanadka 2024.

Qaramada Midoobay, gaar ahaan golaha amaanka ayaa tilmaamay in la hakiyey bixitaankii ATMIS, sababo la xiriira walaac dhanka amniga ah oo waqtigan ka jira Soomaaliya.

Arrinta hakinta bixitaanka ATMIS ayaa timid kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, kaas oo ay ku dalbaneysay in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkaasi ku muujisay in ay weli taagan tahay khatarta Al Shabaab, waxeyna xustay in ay diyaarineyso ciidamadii baddeli lahaa ATMIS.

Ciidamada baddelaya ATMIS oo ay tiradoodu gaareyso 40-kun oo askari, ayaa noqonaya kuwo boolis ah, isla markaana loo qeybin doono maamullada dalka, waxeyna ku nagaan doonaan goobaha laga saaro Al Shabaab.

Exit mobile version