Monday, September 15

(Hortabin Media) –Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay Sufyaan Sheekh Axmed Taakeeye, kaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey baraha bulshada ka faafinayey afkaar xagjirnimo, sida lagu eedeeyey.

Ninkan ayaa hore uga dhawaajiyey in aanu ku qanacsaneyn nidaamka dowladnimada Soomaaliya, kaas oo uu ka dhawaajiyey inuu baal marsan yahay diinta Islaamka.

Wuxuu Sufyaan hore u dhaleeceeyey calanka Soomaaliya, kaas oo sida uu tilmaamay qaadashadiisa lagu dirqiyey Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in astaamihiisa ay ka hor imaanayaan diinta Islaamka.

Sufyaan oo ku noolaa dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, waxaa soo qabashadiisa iska kaashaday sirdoonka Soomaaliya iyo midka Kenya.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xarigiisa ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in gudaha iyo dibada ay ku beegsato kuwo sida ay sheegeen gacan saar la leh argagixisada.

Si kastaba Sufyaan ayaa xabsiga u jiifa, afkaarihii uu aaminsanaa, kuwaas oo Soomaalida qaarkood ay ku dhaliili jireen halka kuwo kalana ay la dhacsanaayeen aragtidiisa.

Exit mobile version