Madaxa shirkadda maamusha dekedaha caalamiga ah ee DP World ayaa ka tegay shirkadda kaddib cadaadis isa soo tarayay oo la xiriiray xiriirkiisa dembiilaha galmada lagu helay, Jeffrey Epstein.
Ka tagitaanka Sultan Ahmed bin Sulayem ee jagada guddoomiyaha iyo madaxa fulinta waxa uu yimid kaddib markii faylal dhawaan la sii daayay ay muujiyeen in ganacsadaha Imaaraadka uu u muuqdo inuu boqolaal iimayl is dhaafsadeen Epstein muddo toban sano ah.
In magaciisa lagu xuso faylalkaasi ma aha caddeyn muujinaysa wax khalad ah, waxaana BBC-du la xiriirtay Sulayem si ay uga hesho faallo.
DP World ayaa Jimcihii ku dhawaaqday iscasilaaddiisa, taas oo “si degdeg ah u dhaqan gashay”, waxayna booska uu baneeyey ee gudoomiye loo magacaabay Essa Kazim, halka Yuvraj Narayan loo magacaabay madaxa fulinta. Sawirkii Sulayem ayaa u muuqday in laga saaray bogga internetka ee shirkadda.
DP World, oo ah shirkad weyn oo saadka ah oo ay leedahay Dubai, isla markaana maamusha terminaallada dekedaha ku yaalla lix qaaradood kana ciyaarta door muhiim ah kaabayaasha ganacsiga caalamiga ah, ayaa maalmahan la soo dhaafay wajahaysay cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya ganacsiyada ay la shaqeyso.
Horaantii toddobaadkan, hay’adda horumarinta maaliyadda ee UK iyo sanduuqa labaad ee ugu weyn hawlgabka Canada, La Caisse, ayaa sheegay inay joojinayaan maalgelin cusub oo ay ku sameeyaan shirkadda.
Dukumentiyadu waxay muujinayaan waxa u muuqda inuu ahaa xiriir dhow oo ballaaran oo u dhexeeyay mid ka mid ah ganacsatada ugu saamaynta badan Khaliijka iyo Jeffrey Epstein.
Waxay tilmaamayaan in Epstein uu Sulayem iimayl ahaan ugu soo bandhigay shakhsiyaad kala duwan oo caalami ah oo ka kala socday siyaasadda iyo ganacsiga, isla markaana Sulayem uu sannadkii 2016 u fidiyay Prince William booqasho ku saabsan dekedda London Gateway ee ay maamusho DP World.
Labo xildhibaan oo Mareykan ah, Ro Khanna iyo Thomas Massie, ayaa ku eedeeyay ninkan inuu ka mid ahaa “lix nin oo awood leh” oo lala xiriiriyay maalqabeenka fadeexadda galay.
Xildhibaannadan, oo si wadajir ah u soo gudbiyay sharci ku qasbay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka inay sii deyso faylasha Epstein sannadkii hore, waxay sheegeen in dukumentiyada si aan habboonayn loo qariyay.
Qaybaha la qariyay ee uu Massie tilmaamay 9-kii Febraayo waxaa ka mid ahaa dukumenti u muuqday iimayl uu Epstein diray 2009 oo tixraacayay “muuqaal jirdil”. Qofkii helay ayaa ku jawaabay inuu safar u kala bixi doono Shiinaha iyo Maraykanka. Macnaha guud lama yaqaan.
Saraakiil Maraykan ah ayaa shaaciyay in Sulayem uu ahaa qofka helay iimaylkaas uu diray Epstein.

