Miisaaniyada dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sanadkan gaartay Hal Milyan oo dollar, waana tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib u habeynta dhaqaalaha.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa daah furtay sanad miisaaniyadeedka cusub ee dalka, kaas oo muujinaya soo kabasho dhanka dakhliga gudaha dalka.
Miisaaniyada dowladda oo sanadihii la soo dhaafay aanan gaarin Hal Milyan ayaa loo sababeynayaa heerka ay maanta joogto dagaalkii ku wajahnaa dhanka musuqa ee lagu fatashay xafiisyada kala duwan ee dowladda.
Sida ay qubaradu aaminsan yihiin La dagaallankaasi dhanka Musuqa ayaa kaalin weyn ka qaaday in miisaaniyadda dowladda ay markii ugu horeysay gaarto lacag Hal Milyan oo dollar ah.
Tallaabadan ku aaddan Miisaaniyadda dowladda ee korortay ayaa saamixi karta in Soomaaliya loo oggolaado in la siiyo deymo hor leh, maaddaama hannaankeeda dhaqaalaha uu soo noolaanayo.
Waxaa xusid mudan in dhawaan Soomaaliya laga cafiyay lacago deyn ah oo gaaraya balaayiin dollar, hase ahaatee wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in lagu dadaalayo sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda waddanka oo hadda inta badan ku tiirsan lacago kab ah oo deeq ahaan uu caalamka ku caawiyo Soomaaliya.