Thursday, September 11

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dusha uga tuuray eed ah in ay door weyn ku leeyihiin amni darrada ka jirta dalka, taas oo uu xusay in ay dhalintu joojin karaan, maaddaama ay iyaga ka billaabatay

Haddaba maxey yihiin sababaha keenay in dhallinyaradu ay door weyn ku yeeshaan amni xumida ka jirta gudaha dalka, sideese looga bixi karaa, waxey arrimahaasi Hortabin Media kala hadashay dad badan oo dhuun daloola xaaladda Soomaaliya.

Dadka bartay Dowlad wanaaga, waxey arrintaasi u sababeynayaan in ay ka dhalatay bur burkii ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya, markaas oo ay dhallinyaradu waayeen, cid wax ka qabata baahiyadooda nololeed.

Qodobka Koowaad ayaa, tacliinta oo ah mid qof kasta aanu awoodin, taas oo dhallinyaro kooban fursad u siineysa in ay wax bartaan halka kuwa kalana ay usuura gali weyso.

Tacliinta bulshada oo yaraato waa mid kordhineysa faqriga isla markaana, abuureysa rabshado, ama in qofku uu dhaqaalle ka raadiyo meel kasta oo uu ka heli karo.

Qodobka Labaad, ayaa noqonaya, shaqo la’aanta, waana arrin ay ka siman yihiin dhallinyarada waxbaratay iyo kuwa aanan fursadaasi helin, mana jirto cid xil iska saartay in shaqo abuur loo sameeyo.

Daruufta Shaqo la’aanta waxey dhallinyaradu ku xanbaareysaa in ay dhamaantood u fikiraan si isku mid ah, isla markaana ay u bareeraan khatar kasta, oo xitaa amniga dalka wax u dhibi karta.

Qodobka Seddexaad, ayaa ah in la dayacay oo aan xooggooda sidii la rabay looga faa’iideysan, waana arrin dowladihii dalka soo maray laga rabay in ay ku dhiiradaan, balse aanan dhicin.

Taa baddelkeed xooggii dhalinyarada iyo maskaxdaba, waxaa ka faa’iideystay ururo argagixiso, kuwaas oo ku shubay afkaar xagjirnimo, waana tan keeneysa in ay door ku yeeshaan dhibaatada amni ee uu dalku la daalaa dhacayo.

Haddaba si arrimahaasi looga gudbo, waxaa lagama maarmaan ah, in dowladdu ay sameyso shaqo abuur, isla markaana ay furto madal la isku weydaarsanayo aragtiyada, iyadoo ka faa’iideysaneysa xoogga iyo maskaxda dhallinyarada curdunka ah.

Exit mobile version