Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Waxaa dib loo cusbooneysiiyey heshiiskii ay dowladda Soomaaliya la gashay dalka Shiinaha ee ku aaddanaa in maraakiibta shiinaha waqti cayiman ay ka kalluumeysan karaan badda Soomaaliya.

Wasiirka Wasiikra Kalluumeysiga ayaa sheegay in heshiiskan uu fa’iido ugu jiro Soomaaliya, sababta ay u cusbooneysiiyeena ay tahay in waqtgiisii uu ku ekaa dhamaadkii sanadkii hore, maaddaama la kala saxiixday sanadii 2018-ka.

Wuxuu Wasiirku sheegay in in heshiiskan oo ah mid muhiim ah lagu sameeyay wax ka beddal, sidoo kalena wax lagu daray, hase ahaatee shirkaduhu aanay is baddelin.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa shaki badan galiyey heshiiskii hore, maaddaama shiinaha laga qaadayey hal milyan oo qura, isla markaana aan la ogaan karin ama cid daba galeysa aanay jirin tayada kalluunka ama kheyraadka ay badda kala baxayaan.

Si kastaba Wasiirka ayaa tilmaamay in heshiiskan uu fa’iido badan u leeyahay suuqa kalluunka Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in Shiinaha ay la bixi karaan oo keliya hal nooc oo kalluun ah, iyagoo dowladda soo wargelinaya marka ay maraakiibtooda billaabayaan jilaabasahada.

Exit mobile version