Friday, September 12

(Hortabin Media) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan muddo kordhin u sameeyey ciidamada nabad ilaalinta ATMIS, kuwaas oo joogitaankooda Soomaaliya loogu daray lix bil oo dheeraad ah.

Golaha amaanka ayaa sidoo kale ansixiyey, in ciidamada ATMIS ay ka qeyb qaataan dagaalka Al Shabaab looga xoreynayo dalka, oo aanay markii hore qeyb ka ahayn.

Tallaabadan ayaa timid kadib codsi ka yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo dalbatay in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS, sababo la xiriira marxalada dagaal ee ay Soomaaliya ku jirto.

Golaha amaanka ayaa waqtiga kama danbeysta ee ATMIS bixitaankooda ka dhigay bartamaha sanadkan soo socda ee 2024-ka, waxaana Soomaaliya lagu adkeeyey in intaasi ay ka shaqeyso dhisida ciidamadii baddeli lahaa ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda durba billawday qorshihii ay ku taaba galin lahayd ciidamada amniga dalka ka baddeli doona ATMIS, kuwaas oo laga soo kala xulayo dhamaan maamullada dalka.

Exit mobile version