Thursday, September 11

Madaxweynaha Dalka Soo laabashadiisi kadib,, wuxuu bulshada Soomaaliyeed u muujiyey in Dowladiisa ay Al Shabaab la dagaallami karto, guul diiwaan-ka u gashana uu ka soo hoyn karo gulufkaasi, wuxuuna markii uu dagaalka ku dhawaaqayey uu sheegay in maalmo kooban ay u hareen Al Shabaab.

Inkastoo dagaalku uu dar dar ku billawday haddana Maanta oo marka uu gulufkaasi iclaamiyey laga joogo muddo dhan 3 sano iyo labbo bilood ah,, ma jirto wax natiijo ah oo la sheegi karo Al Shabaab waa ay soo rogaal celiyeen deegaanada laga qabsaday iskaba daa’ ee waxaa gacantooda galay deegaamo iyo tuulooyin caasimada u jira 40-km.

Walaacaasi oo jira Madaxweynaha uma muuqdo mid fashilkaasi dhaawac ku ah qayimkiisa, wuxuuna waqti badan ku bixinayaa safaro aan micno badan lahayn, waana tan keentay in shacabka iyo xubnaha barlamanka qaarkood ay baafiyaan madaxweynihii dalka.

Sida ay qabaan dadka amniga falanqeeya Soo laba kacleynta Al Shabaab iyo dib u gurashada Ciidamada, waxaa loo sababeynaayaa,, dhowr qodob oo ay ka mid yihiin qorshe xumo iyo istiraatiiyadii dagaalka oo la marin habaabiyey.

Fara gelinta baahsan ee ka imaaneysa dadka uu Madaxweyanaha u wakiishay saadka ciidamada oo badankood ehel dhaw la ah isaga, ayaa xaaladda sii murjineysa.

Niyad jabka ay ciidamadu ka dhaxleyn Dilalka saraakiishii howlgalka udub dhexaadka u ahayd oo aanay jirin cid lagula xisaabtamay ayaa qeyb ka ah waxyaabaha wiiqay gulufka.

Sidoo kale doorka dagaalka ee ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda oo aan si dhaba u cadeyn, taas oo lagu daray Daruufaha dhaqaalle ee hareeyey ragaasi oo xoolo dhaqato ah, ayaa iyana culeys abuureysa.
,,
Geesta kale u weecinta dhaqaallihii gulufka,, oo xoogiisa siyaasad iyo doorasho aan loo dhameyn loo adeegsanayo,, ayaa caqabad kale noqoneysa.

Qodobadaasi oo feejignaan laga muujineyn ayaa noqday kuwo soo de dejiyey fashilka uu dul hoganayo gulufkii uu Madaxweynaha kal hore iclaamiyey, waxaana dib u dhacay tallaab walba oo horey loo qaaday.

Si kastaba waqtiga u haray madaxweynaha oo aad u kooban ahna 10- bilood waa mid koobeysa rajada laga filan karo in dowladiisa ay libin wax ka ool ah ka gaarto dagaalka Al Shabaab, taas oo gulufkii Xasan Sheekh ka dhigeysa mid lagu hungoobay.

Exit mobile version