Saturday, September 13

Weli waxaanan billaaban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo uu mar hore ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku billaaban doono.

Wajiga labaad ayaa u xayirnaa ciidamada dowladdaha Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo laga sugayey in ay soo dhameystiraan ciidamadii howlgalkaasi uga qeyb gali lahaa.

Waqtigan waxa ay saraakiisha dowladahan soo gudbiyeen dhamaan ciidamadii uga qeyb gali lahaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidamada xoogga dalka.

Wajiga labaad ee dagaalka ayaa xooggiisa ka dhacaya degaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, halkaas oo ay Al Shabaab ku leeyihiin fariismo waa weyn, iyagoo gacanta ku haya dhul aad u badan oo ka tirsan Maamulladaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa garab buuxa u noqon doona ciidamada Koonfur Galbeed, halka kuwa Kenya ay ka bar bar dagaallami doonaan ciidamada maamulka Jubalanad, waa sida uu qorshuhu yahay.

Ciidamada Itoobiya Iyo Kenya, oo diyaar noqday ayaa ka dhigan in la guda galayo toddobaadka soo socda wajiga labaad ee dagaalka, kaas oo natiijada ka soo bixi karta aan la saadaalin karin.

Exit mobile version