Friday, September 12

Waxaa Dhawaan Muqdisho si habsami leh uga dhacay Shirka wada-hadalka labaad ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaridka ugu tunka weyn.

Shirkan intii uu socday waxaa lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ay ugu horeeyaan doorashada iyo arrinta dastuurka, hase ahaatee is faham darro dhinacyada soo kala dhex gashay ayaa sababtay in la ballamo 20-ka bishan Luuliyo, si loo abuuro jawi wada hadal.

Xubnihii mucaaridka ee madasha Samata Bixinta oo labo jeer Madxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Madaxtooyada ayaa la soo noqday rajo xumo, waxaanay iminka muujinayaan in ay adag tahay in xal laga gaaro arrinta doorashooyinka.

Xubnaha Mucaaridka ayaa shaki ballaaran galinaya in kulanka 20 luuliyo lagu gari karo Heshiis la taaban karo oo dalka u horseedi kara xasillooni siyaasadeed iyo mid amni.

Madasha Samata Bixinta ayaa oo walaac ba’an ka qaba go’aanka Madaxweynaha ee doorashada ayaa mar kale toddobaadkan u tagay wakiilada beesha caalamka ee ku sugan xerada Xalane, si ay ula wadaagaan waxyaabihii ay kala soo kulmeen Xasan Sheekh.

sida xoguhu tilmaamayaan Madasha Samatabixinta ayaa Beesha Caalamka u gudbisay cabasho ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh aya dhab ka ahayn in la gaaro heshiis rasmi ah, oo ku qotoma arrimaha doorashooyinka.

Mucaaridka ayaa u sheegay wakiilada beesha caalamka in Madaxweynuhu uu doonayo inuu waqtiga dilo, isla markaana uu sii wato qorshihiisa doorashada qof iyo codka ah oo sida ay xuseen ah mid aan waqtigan la hirgalin karin.

Mucaaridka ayaa beesha caalamka ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan kulanka 20 luuliyo, balse beesha caalamka ayaa codsigaasi ka gaabsatay sida ay xoguhu tibaaxayaan.

Beesha Caalamka ayaa Mucaaridka u ballan qaaday in ay dadaal ku bixinayso siii loo gaari lahaa heshiis wadar ogol ah ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madasha Mucaaradka ayuu kulankoodu qaatay saacado badan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo war murtiyeed si rasmi ah ula hadlaya Madaxtooyada, xilli kal hore Xasan sheekh uu xusay inuu dhamaaday waqtigii wakiilada beeshada caalamka ay maamuli jireen arrimaha masiiraga ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxwaynaaasha maamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ku daah-furay Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada maamuladaas. waxana madaxda maamulladaasi ay bulshada deegaanadaasi kula dardaameen in ay is diiwaan geliyaan si si ay u doortaan Maamul ay kula xisaabtamaan horumarinta deegaannadooda.

Gobolka Banaadir ayaa horay u bilaabay is diiwaangalinta Doorashiiyinka golayaasha deegaanka iyadoo la filaayo in maamuladda Hir-shabeelle iyo SSC-khaatimo ay mardhow ka bilaabato isdiwaan-galintu. waana tilmaan muujineysa in Xasan uusan marnaba ka tanaasuli doonin qorshihiisa doorashada dadweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid dhagaha ka xirtay Maamullada Puntland iyo Juabland, kuwaas oo iminka u midoobay Xasan Sheekh, isla markaana ku kulmay Garoowe.

Kulanka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ahaa mid la wada sugayey ayaa sii kululeynaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana labada masuul ay soo saareen war murtiyeed ay uga soo horjeedaan qorshayaasha Xasan sheekh si gaar ah wax ka baddelka Dastuurka, iyagoo soo dhaweeyey dadaalada ay wadaan Mucaaridka iyo Wakiilada Beesha Caalamka .

Lama ogga waxa ka soo bixi doona kulanka 20 luuliyo ay isugu imaanayaan Madaxweynaha iyo xubnaha Mucaaridk, waxana jirta in dhinacyadu ay aad ukala durugsan yihiin taas oo horseedi karta xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalata doorashada aan heshiiska lagu ahayn, hase ahaatee waxaase xusid mudan in arrimahani oo dhan ay dhacayaan xilli uu indhaha ka daawanayo labada aqal ee b barlamanka dalka ,, taas oo ay nasiib darro ku tilmaamayaan shacabka Soomaaliyeed badankiis.

Exit mobile version