Sunday, September 14

Saacadihii ugu danbeeyey waxa soo baxayey warar sheegaya in la xanibay akoon uu leeyahay Waasirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Muqtaar Roobow, kadib markii uu ku shubay lacag uu lunsaday.

Lacagtan ayaa la sheegay in Wasiirku uu lunsaday, isagoo ka qaaday shirkadihii loo xil saaray daabulida dadka xajka u bixitimaya.

Si arrintaasi dhab ahaanshaheeda loo ogaado Bankiga Salaam ayaa arrintaasi ka soo saaray war ay beeninayaan hadalka baraha bulshada qabsaday.

Salaam Bank ayaa qoraal ay daabaceen waxa uu u qornaa sidan ” Waa been abuur warkaasi, mana ahan mid ku qotoma xaqiida, ma jirto cid awood u leh in ay aragto xogta macaamiisheen, lacagaha ay sheegeen in ay ku jiraan akoonkaasi waa been, wax lacag ahna wasiirka lagama xanibin”

Baraha Bulshada Soomaalida ayaa inta badan lagu marin habaabiyaa bulshada waxaana wararkaasi inta badan rumeysta shacabka oo si aad ah u falanqeeya iyagoo ka bixinaya aragtiyo kala duwan.

Exit mobile version