Saturday, September 13

Waxaa Mudooyinkii ugu danbeeyey la isla dhex marayey, in ciidamada dowladda lagu soo daray unug si gaar ah ugu tababaran is qarxinta, kuwaas oo dhex tagaya fariisimada Al Shabaab, kadibna is qarxinaya

Arrinta ayaa soo shaac baxday, kadib weerarkii Masagawaay, kaas oo ahaa mid aad u xooggan, waxaana labbo askari oo ka mid ah dowladda ay naftooda u hibeeyaan qaranka, iyagoo isku qarxiyey Al Shabaabkii soo weeraray fariisintoodii Masagawaay.

Qaraxyadaas ay ciidamadu isku xireen, wuxuu dabciyey weerarkii ku socday, iyagoo awood u helay in ay saldhigoodii dib u qabsadaan.

Haddaba si loo xaqiijiyo arrintan ah jiritaanka unug u tababaran in ay Al Shabaab isku qarxiyaan, ayaa waxaa ka jawaabay Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo wareysi siiyey idaacada VOA.

Odawaa, wuxuu xaqiijiyey in arrintaasi ay tahay mid been abuur ah, isla markaana aysan jirin ciidan u tababaran in ay is qarxiyaan.

Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in falalka ismiidaaminta ay caan ku yihiin, kuwa uu ugu yeeray argagixisada, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada ay dhimanayaan iyagoo dalkooda difaacaya.

Si kastaba arrintaan ayaa tuhun ka bixineysa wararkii bulshada isla dhex marayeen, kuwaas oo sida hadda muuqata ah been cad, oo bulshada lagu marin habaabinayo.

Exit mobile version