Friday, September 12

Dowladihii dalka soo maray ayaa midba heer soo gaarsiiyey arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, wallow aysan jirin mid ku guuleysatay in ay gabi ahaanba dhameystirto dastuurka dalka oo muddo badan qabyo ah.

Dowlada iminka sanad jirsatay, ayaa howlaha horyaallo waxaa ugu weyn dhameystirka dastuurka qabyo qoraalka ah, kaas oo la waayey dowlada dhameystirta dhamaan dowladihii dalka soo maray

Hadabba dastuurka oo dalka aad muhiim ugu ah, maxaa hortagaan in la dhameystiro oo uu noqdo mid rasmi ah?

Qubrada bartay sharciga ayaa sheegaya in dhowr caqabadood oo is biirsaday ay sabab u yihiin in lagu guuleysan waayo, in la dhameystiro dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya.

Cabaqadaha ugu waa weyn ee loo dhameystiri la’ yahay ayey qubaradu ku sheegeen, kala fikir duwanaansho ka dhaxeeya madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwa Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Qubarada ayaa ku baaqay in wada hadal laga yeesho dhamaan qoddobada ku jira dastuurka, maaddaama uu yahay heshiis bulsho, kaas baaqi noqon doona muddo aad u badan.

Waxey ku talinayaan in awoodaha isku millan ee ku jira qoddobada qaar la kala qaado, si gaar ah kan labada golle ee Barlamanka iyo midka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dastuurkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee fedral ah oo ay Soomaaliya yeelato, waxaana si KMG ah loo ansixiyey kowdii August ee sanadkii 2012-kii, iyadoo ansixintiisa ay saldhig u ahayd axdigii Fedraalka ee 2004-tii ay gareen siyaasiyiinta Soomaalida.

Si kastaba dastuurkan ayaa noqonaya kii 4-aad oo ay Soomaaliya yeelato, marka laga yimaado dastuurkii 60-kii dalku yeeshay, kii xukuumadii milatariga ahayd soo saartay 1979-kii iyo mid kale oo isla dowladii millatariga ay sameysay 1990-kii, ka hor inta aan laga taqalusin taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Exit mobile version