(Hortabin Media) – Waxaa Mudoo aad u dheer jiitamaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana arrintaasi loo sababeynayaa dhowr qodob.
Siyaasiyinta iyo Aqoonyahanada ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dagaalka ay cuuryaaminayaan siyaasiyiin, kuwaas oo dano gaar ah ka leh dagaalka socda, isla markaana doonaya in ay majara habaabiyaan.
Qubaradan kala duwan, ayaa sidoo kale tilmaamay in siyaasiyiintan qaarkood ay la shaqeeyaan Al Shabaab, waxeyna codsadeen in dowladda ay billawdo baaritaan ku aaddan cida xagal daacineysa dagaalka.
Waxey geesta kale xuseen qubaradan, in ciidamada deegaanka aan loo abaabulin sidii la rabay, waana qeyb ka mid ah waxyaabaha koobaya guulaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Si Kastaba kal hore ayey ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu carabka ku dhuftay in ay jiraan siyaasiyiin majara habaabineysa dagaalka, kuwaas oo sida uu sheegay cadaaladda lala tiigsan doono.