Monday, September 15

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, ayaanan ilaa iyo iminka ka qeyb qaadan gulufka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa is weydiinaya sababta ATMIS u diideysa in ay dagaalkaasi qeyb ka noqdaan, hase ahaatee qubarada falanqeeya siyaasadda ayaa siyaabo kala duwan u macneeyey sababta arrintaasi keentay.

Qubarada ayaa sheegaya in iminka aanay qorshaha ku jirin ATMIS, isla markaana dowladdu aanay wax codsi ah u gudbin iyaga, taas ayaa qeyb ka noqoneysa sababta u diideysa in ay dagaalka ku soo biiraan.

Qubarada ayaa sidoo kale sheegaya in ATMIS ay saameyn ku yeelan doonaan dagaallada ka billaaban doono maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, maddaama dadka deegaankaasi aanay u abaabulneyn sida kuwo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Gulufka dagaal ee ka curan doona Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay si gaar ah uga qeyb qaataan ciidamada ATMIS, gaar ahaan wadamada safka hore ee ay Soomaaliya la leedahay sohdimaha.

Exit mobile version