Saturday, September 13

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ( FAO )

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada midoobe ee(FAO) waxaana hoggaaminayey Mudane Etienne Peterschmitt oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda FAO, iyo dardargelinta mashaaricda hortabinta u leh horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaalida ay ku adag tahay ka faa’iideysiga kheyraadka dalkooda, isla markaana uu heer hooseeyo marayo dalagyada dalka ka soo go’.

Exit mobile version