Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Macallin, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in amar ka soo baxay Dowladda lagu mamnuucay in qof masuula uu xirto wado ay bulshadu isticmaaleyso, sida dhacda inta badan.
Waxaa sidoo kale madaxda kala duwan ee dowladda looga digay in ay hub la galaan xarumaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada, si aanay u qal qal galin dadka rayidka ah ee goobta jooga.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa carabka ku dhuftay in ay gacanta ku hayaan masuuliyiin ku kacay falalkaas, kuwaas oo qaarkood qal qal galiyey amniga bulshadii gobahaasi ku sugneyd.
Gudaha Muqdisho, wax iska caadi ah waxaa noqday in masuuliyiinta ka tirsan dowladda ay xirtaan wadooyinka marka ay dukaameysanayaan ama ay meel booqanayaan, taas oo caqabad ku ahayd shacabka.
Tallaabadan oo u muuqato mid adag, ayaanan la ogayn sida ay ku dhaqan gali doonto, waxaase haddii ay hirgasho ay noqoneysaa mid wax ka baddesha amni darrada caasimada iyo cadaadiska heysta shacabka.