Sunday, September 14

Saacadihii ugu danbeeyey, masuuliyiin hore xilal dalka uga soo qabtay, ayaa iska fogeeyey eeddo la xiriira musuq oo horey loogu soo oogay.

Masuuliyiintaas waxaa ka mid ah Agaasimihii hore ee canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Saabeey, kaas oo eedda musuqa ee lagu soo oogay ku tilmaamay mid been abuur ah.

Wuxuu sheegay in eeda lagu soo oogay ay ka danbeeyaan dad dano gaar ah leh, isagoo tibaaxay inuu diyaar u yahay inuu hortago hay’adaha garsoorka dalka,

Muxuyidiin Saabeey ayaa dhawaan lagu soo ooggay eedo la xiriira masuq maasuq, wuxuuna u baxsaday gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka soo jeedo, iyadoo dowladduna ay sheegtay in ay ku daba jirto.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa isna tibaaxay in yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn eedaha musuqa ee loo jeedinayo.

Koofi wuxuu si cad u sheegay in dowladda aanay dhab ka ahayn la dagaallanka musuq maasuqa, wuxuuna taa badelkeeda hoosta ka xariiqay in lagu suurad xumeynayo dowladii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Eedaha loo jeedinayey masuuliyiintii xilalka dalka ka soo qabtay ayaa isi soo taraya maalinba maalinta ka danbeysa, waxaana badankood ay iska fogeynayaan eedaha loo jeedinayo.

Exit mobile version