Saturday, September 13

Guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada, ayaa kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhaxe ee Xamar. Waxaa xabsiga dhaxe ee Xamar ku soo dhaweeyay, taliyaha xabsiga dhaxe Daahir Cabdulle Raage.

Guddiga ayaa soo kormeerey dhammaan qeybaha kala duwan ee xabsiga, waxeyna maxaabiista ka dhageysteen cabashooyinkooda la xiriira xuquuqdooda Aasaasiga ah oo ay xaqa u lahaayeen in ay helaan Intaas kadib, taliyaha xabsiga dhaxe ayaa  warbixin ku saabsan xaaladda xabsiga iyo maxaabiista la wadaagay guddiga xuquuqul Insaanka Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada

Gabagabadii Xubnaha Guddiga ayaa ballan qaaday in ay si dhaw u la shaqeeyn doonaan warbixintoodana lawadaagi doonaan Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka BJFS

Mudooyinkii ugu danbeeyey walaac xooggan ayey muujinayeen maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaas oo si gaar ah ugu walaacsanaa raashinka iyo fasaxa dhanka cad-ceeda.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version