Sunday, September 14

Barqanimadii maanta waxaa qarax miino lala eegtay xoghayihii degmada Ruun-Nirgood, kaas oo lagu magacaabi jiray Abuukar Jawiin Caddow.

Xoghayaha ayaa xiligii qaraxa lala eeganayey marayey deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku geeriyooday darawalkii xoghayaha, iyadoo qaar ka tirsan ilaaladiisana ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Xiligii qaraxu dhacayey, waxaa socday howl gal lagu xaqiijinayo amniga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha hoose, sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha degmadaasi Macallin Muxidiin Maxamuud Kulmiye.

Exit mobile version