Saturday, September 13

Saacadihii ugu danbeeyey waxaa Muqdisho ka baxsaday, masuuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya, kuwaas oo loo heysto eedo la xiriira masuq maasuq.

Masuuliyiinta baxsatay waxaa ka mid ah labadii Agaasime ee isaga horeeyey xilka Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Waxaa sidoo kale Muqdisho ku dhuumaaleysanaya Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus. kaas oo isna loo heysto eed la xirirta musuq maasuq.

Dowladda ayaa sheegtay in aanay ka hari doonin masuuliyiintan dalka isaga baxsaday iyo kuwa dhumaaleysanya, waxaana sida la sheegay la horgeyn doonaa caddaalada.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyey dagaal adag kula jirta arrimaha la xiriira masuqa, kaas oo ay caadeysteen masuuliyiinta dowladda ee xilalka sare heyso.

Exit mobile version