Sunday, September 14

Arrimaha la dagaallanka musuq maasuqa ayaa gaaray meel ballaaran, waxaana sida wararku sheegayaan saacadihii la soo dhaafay xabsiga loo taxaabay masuuliyiin xilal kala duwan dalka ka haya.

Masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay oo ay tiradoodu gaareyso 8- ruux ayaa kala ah:  Iraad Cabdi Aadan Agaasimaha waaxda Budget ka Wasaaradda Maaliyadda, Bashiir Cabdullahi Faarax Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Arimaha Dibadda, Agaasime katirsan Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir, Danjire Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo ah Safiirka Somalia ee Kenya, Maxamuud Macalin Cabdulle Maareeyaha Hay’adda SODMA ee Gargaarka, Maxamed Cali Nuur Xaaji Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Dibadda, Axmednur Maxamed Uleex, Xoghayihii hore Xafiiska Ra’iisul Wasaaraaha iyo Yaxye Ali Hareeri Xiriiriyihii Hay’adaha Gargaarka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraaha.

Madaxdan agaa dbamaantood lagu soo eedeeyey masuq maasuq, waxaana xarigooda oggolaaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa isi soo taraya masuuliyiinta dowladda xilalka ka soo qabtay iyo kuwa ka hay ee loo taxaabayo xabsiga, sababo ku aaddan eedo masuq oo lagu soo oogay.

Exit mobile version