Sunday, September 14

Waxaa maanta degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir lagu dilay mid ka mid ah masuuliyiinta degmadaasi, kaas oo si weyn looga yaqaanay gudaha Dharkeenleey.

Ninka la dilay oo in badan ka soo shaqeynayey xarunta degmada Dharkeenleey ayaa lagu magacaabi jiray Xassan Cali Gacal( Moosow).

Ninkan ayaa si gaar ah uga mid ahaa masuuliyiinta ka shaqeysa xafiiska fasax dhimista degmada Dharkeenleey, kaas oo hoostaga gudoomiyaha degmadaasi Yuusuf Xundubey.

Dilka waxaa fuliyey sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen seddex nin, kuwaas oo ku hubeysnaa bistoolado, waxaana marxuumka ay rasaasta uga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halka uu falku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Dharkeenleey oo iminka wada howlgalo ay ku baadi goobayaan kuwii falkaasi ka danbeeyey.

Exit mobile version