Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya shaaca ka qaaday in ay dagaal kula jirto Musuqa, waxaa isi soo taraya masuuliyiinta ka tirsan Wasaaradaha dowlada ee xabsiga loo taxaabayo.
Shalay Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali, kadib waaran maxkamadeed, oo amar ku bixinayey xarigiisa.
Agaasimahan ayaa loo heystaa eeddo la xiriira inuu ku lug leeyahay musuq maasuq, waxaana xusid mudan in hore ay eed ugu soo oogtay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, kaas oo dalbaday in la horkeeno maxkamadda Gobolka Banaadir.
Xarigan ayaa ku soo aaddaya xilli dhawaan Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu sheegay, in ay xubno ka tirsan dowladda ku wadaan baaritaan la xiriirta in ay sameeyeen wax is daba marin iyo musuq.
Kal hore Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel mariyey qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka, kaas oo lagula xisaabtamayo madaxda hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ku kacda musuqa.